Home / Habka-Nolosha / Maxay yihiin farriimaha lagu soo gaba-gabeeyay toddobaadka wacyi gelinta naas-nuujinta?

Maxay yihiin farriimaha lagu soo gaba-gabeeyay toddobaadka wacyi gelinta naas-nuujinta?

Himilo – Qaramada midoobay iyo dawladaha xubnaha ka ah ayaa soo gaba-gabeeyay toddobaadka wacyi-gelinta naas-nuujinta kaas oo la waday taniyo kowdii bishan.

Olahan ayaa lagu dhiiri-gelinayay isla markaana lagu taageerayay joogteynta nuujinta. Waxaa dhinacyada ay quseyso lagu booriyay inay  xil-weyn iska saaraan hawshan.

Waxaa la iska qaatay in hooyooyinka la gaarsiiyo farriinta ah inay dhallaankooda nuujiyaan ugu yaraan lixda bilood ee ugu horreeya waayahooda dunidan.

Intii uu socday dabaal degga sanadkan waxaa isla qiray in naas nuujintu ay hoos u sii dhacayso caalamka oo dhan, waxaa lagu taliyay in isbeddel lahu dhaqaaqo.

Hal ku dhegga sanadkan loo qaatay  wacyi gelinta ayaa ah “ talllaabo ha loo qaado naas-nuujinta” waxaa la is tusay in si wada jir ah loo wajaho.

Dhanbaalada hooyooyinka ku socday ayaa ahaa in caafimaadka ubadkooda iyo koodaba uu ku jiro inay sameeyaan naas-nuujinta buuxda.

Aabbayaasha ayaa dhankooda lagu tirtirsiiyay inay taageeraan nuujinta, isla markaana ay k aka fogaadaan inay hooyada ku riixaan inay ilmaheeda naaska ka goyso.

Dawladaha ayaa la hor dhigay dalab ah inay soo saaraan xeerar iyo sharciyo lagu ciqaabi karo haweenka cudur-daar la’aan dhallaankooda aan nuujin.

Bahda caafimaadka ayaa laga codsaday inay isku hawlaan ballaarinta iyo inay meel walba gaarsiiyaan hawlaha baraarujinta ee bulshada miyi iyo magaalo.

Maamulada goobaha caafimaadka waxaa lagu booriyay inay dedaal dheeraad ah ku bixiyaan sidii isbitaalada looga heli lahaa wax kasta oo hooyada iyo dhallaankeeda caawinaya.

Dhammaan dhinacyadan iyo hoggaamiyaasha xarumaha ganacsiga waxaa loo soo jeediyay inay ka qeyb qaataan dhaqan gelinta naas nuujinta.

Goobaha loo shaqo tago waxaa la xauusiyay muhiimadda ay leedahay in hooyada marka ay dhasho ay siiyaan fasax lix bilood ah si ay hooyadu wakhti ugu hesho nuujinta.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan