Home / Aragtida Islamka / Maxay yihiin sifooyinka ay tahay inaad yeelato bisha Soon-qaad

Maxay yihiin sifooyinka ay tahay inaad yeelato bisha Soon-qaad

Himilo – Sanad weliba bishan oo kale waxa uu Alle addoomadiisa intooda qaangaarka ah ee aanan loo cudurdaarin ku waajib yeelay inay soomaan inta u dhaxeysa Waabarka illaa gabbal-dhaca, isaga oo u ballanqaaday ajar.

Acmaasha la sameeyo bishan waa lalaba jibbaaraa marka loo barbardhigo 11 billood ee kale, waana mid ka mid ah sababaha ay ugu fadli badan tahay.

Haddaba waxaa jira waxyaabo ay tahay inuu ka fogaado qofka soomani, kuwaasi oo haddii uu sameeyo waxyeeleyn kara ajirkiisa iyo kuwa la booriyo sameyntooda.

  1. Waa inaad illaalisaa carrabkaaga

Wax sahlan ma aha in qofku ka adkaado carrabbkiisa oo uu ka illaaliyo isku-dirka, xanta iyo muranka aan macnaha ku fadhin.

Abuu Muusaa Al Ashcarii (RC), ayaa mar weydiiyay Suubanaheenna Muxamed (NNKH), yaa waaye qofka ugu wanaagsan muslimiinta? Waxa uu rasuulkeenna ugu jawaabay “Waa kan carrabkiisa iyo gacmihiisuba ka nabadgalaan muslimiinta.”

Tillaabooyinka aad ku illaalin karto waxaa ka mid ah inaad ka gaabsataa wax weliba oo ka hadalkoodu macno lahayn., sida uu boorinayo xadiis laga weriyay Rasuulka oo uu kulahaa “Adiga oo afka xiran haddii qof ku caayo amaba ficil aadan jecleysan kugula kaco waa inaad ku dhahdaa waan soomanahay, waan soomanahay.”

Xanta iyo beenta waxey dhaawacaan xiriirka kaala dhaxeeya addoomaha Allaha, sidaasi daraateed waa inuu ruuxa sooman yeeshaa dulqaad oo aysan shacuurtiisu hogaamin.

  1. Waa inaad ka fogaataa daawashada waxyaabaha yareyn kara ajarka soonka

Caalim Muslim ah ayaa yiri “Haddii ruuxu fiiriyo waxyaabo soonka burin kara soonkaasi waa buray,” taasi waxey muujineysaa sida ay muhiimka u tahay inaan xakameyno indhaheyna.

Waxaa nasiib darri ah in badan oo ka mid ah dhalinteenna ay waqtiga isku dhaafiyaan daawashada filimo amaba muuqaalo kale oo aanan waxba ku kordhineyn noloshooda, halkii ay ku bixin lahaayeen waxyaabo kale oo ay u kasban lahaayeen ajir.

  1. Ahow mid firfircoon inta lagu jiro bisha soon

Asluubtan ramadaan waxey xoogga saareysa sida ay muhiimka u tahay in ruuxu noqdo mid firfircoon inta lagu jiro bishan soon, midda wanaagsan waa in maalintii oo dhan uu qofku ku qaadan caajis amaba ka wahsadaa qabashada howsha markaasi hor taalla, sida ay inna fareyso aragtida uu booriyo Islaamka ee Sugidda oo ah dhaqan suuban oo taabanaya dhinac weliba oo nolosha ah, sida cibaadada iyo shaqada.

  1. Ku dadaal xoojin sunnadda

Afuri qof sooman haddii aad awoodo

Nabigeenna (NNKH) ayaa yiri; “Qof weliba oo afuriya mid sooman waxa uu helayaa ajar la mid ah kan sooman,” xadiiskan waxa uu inna tusinayaa muhiimadda ay leedahay in la wadaago afurka.

Duko salaadda taraawiixda

Waa furasadaha ku jira bishan soon oo ay tahay inaan ka faa’iideysanayo, dukashadeedana waa mid ka mid ak sababaha Eebbe weyne uu ku dhaafo danbiyada addoomadiisa.

Illaaheey managu darro liiska kuwa soonkooda aanan waxba ka faa’iidin, gaajo mooyaane.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan