Home / Arrimaha Bulshada / Maxey inoo sameyn karaan waalidka si aan u guuleysano?

Maxey inoo sameyn karaan waalidka si aan u guuleysano?

Himilo – Waxaa lasoo daristay xaalad wadne xanuun ah, xilli uu isku dayay inuu wiilkiisa yar ka caawiyo xalinta xiisaabaad looga soo diray iskuulka.

Aabahan oo magaciisa lagu soo koobay Liu, ayaa caawinayay wiilkiisa seddax jirka ah tan iyo markii la billaabay waxbarashada dugsiyada Shiinaha bishii September, balse labadii todobaad ee u danbeeyay ayuu ka cabanayay xanuun dhanka xabadka ah.

Xaaladda ayaa kusii adkaatay axaddii todobaadkan, markii uu ka niyad jabay weydiin uu muddo seddax jeer ah ku celceliyay wiilkiisa oo doonayay inuu jawaab u helo su’aal hortaalay.

Waxaa sii darsaday xanuunkiisa, taas oo horseeday in ugu danbeyntii neeftu ku dhagto miir daboolmana. Waxa uu miirka kusoo laabtay isaga oo yaala isbitaal, markaas oo ay dhaqaatiirtu u sheegeen inuu ku dhacay wadne xanuun.

Dad ka falceliyay sheekadan ayaa ammaanay naf hurnimada aabaha 41-jirka, iyaga oo u rajeeyay bogsiino deg deg ah.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan