Home / Caafimaad / Maxey muhiim u tahay xilligan inaan xiranno Af-saab?

Maxey muhiim u tahay xilligan inaan xiranno Af-saab?

Himilo – Waa dhif iyo naadir inaad wadooyinka, suuqyada, gawaarida dadweynaha, iyo goobabaha kale ee ay dadku isugu yimaadaan ee Muqdishu aad ku aragtaa ruux wata Fuq-saab, sabab la xiriirta dadka ku nool gudaha dalka oo badankood aaminsan in feyruska Karoona- ee sida fudud ku faafa- uu ka suulay dunida.

Si la mid ah gafuur xirka, waxaa sidoo kale aanan la raacin tillaabooyinkii kale ee lagu xakameynayay faafidda cudurka Covid-19, sida kala fogaanshiyaha iyo faraxalka joogtada ah.

Waxaa yaraaday amaba gabi ahaanba joogsatay fariimihii codka ee lagu wacyi-gelinayay bulshada, kuwaasi oo ay xoogooda hormuud u ahayd wasaaradda caafimaadka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Inkasta oo ay jiraan fariimaha qoraalka ah ee lagu faafiyo fadhiga twitterka, haddana waxaa gaabis ah helidda xogta la xiriirta heerka uu marayo feyruska karoonka ee gudaha dalka. Tusaalle barta Twitterka ee wasaaradda oo badanaa laga heli jiray xogta xanuunka, waxaa u danbeysay mid soo baxday 1-kii Janaayo ee sanadkan balse la daabacay maalinkii shanaad. Sida xogtaasu tilmaameyso, tan iyo intii laga helay dalka kiiskii ugu horreeyay ee covid-19 bishii Maarso sanadkii 2020-kii waxaa qaaday feyruska 24,261 qof, halka ay u geeriyoodeen 1,335 ruux.

Dhaqaatiirta caafimaadka ayaa qaba inuusan xanuunku gabi ahaanba ka suulin dalka oo ay jiraan bukaano sida feyruska karoona, balse aanan is baarin, kuwaasi oo la nool qoysaskooda bulshadana si joogta ah ula macaamila.

Halista kale ee muuqata ayaa ah in isku socodkii dadka isku furan yahay oo maalin weliba ay magaalooyinka waa wayn ee dalka ay yimaadaan dadka lasoo safray degaanada kale ee dalka iyo xittaa dibadda, inkasta oo  safarleyda banaanka ka yimaada lagu xiro inay soo maraan baaris caafimaad oo karoona ah kahor inta aysan raacin diyaaradaha.

Marka laga yimaado dalka, waxaa xaqiiq ah inuu cudurka Covid-19 uu weli ka jiro dunida, tusaalle Imaaraadka Carabta oo uu innaga dhaxeeyo xiriir ganacsi, 24-kii saac ee u danbeesay, 1179 ruux ayaa laga helay feyruska, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka dalkaasi.

Shiinaha oo ah bartii uu ka billowday Covid-19 dabayaaqadii 2019-kii, sabtigii oo kaliya waxa uu shaaciyay in xanuunku ku dhacay 122 qof. Si ruuxu uga badbaado feyruska uuna uga illaaliyo qoyskiisa, waxey dhaqaatiirta ku taliyaan inuu xirto af-saabka mar weliba uu uu tagayo goobaha dadka ay ku daban yihiin.

 

 

 

 

About Sadia Nour

error: Copy lama Ogola Fadlan