Home / Cayaaro / Maxey tahay sababta Ciyaarta England iyo Italy loogu diiday taageerayaasha?

Maxey tahay sababta Ciyaarta England iyo Italy loogu diiday taageerayaasha?

Himilo – Xiriirka Kubbadda Cagta Qaaradda Europe ee UEFA ayaa ka mamnuucay in mucaashaqiina Ciyaaraha tagaan Garoonka Ciyaaraha ee Molinuex Stadium kulanka caawa dhex Mari doona xulalka England iyo Italy.

UEFA; ayaa ku sababeysay in Ingiriisku ku fashilmay xakameynta taageerayaashiisa ciyaartii Finalka ee sanadkii la soo dhaafay oa dhacday Wembley taas oo England looga adkaaday.

Dhamaadka ciyaarta kaddib taageerayaasha England ayaa rabashado kiciyay.

Arrintaas waxaa ay sababtay in Xiriirka kubbadda Cagta Europe uu ganaaxo FAga England, iyada oo laba kulan loo diiday inay Garoomada tagaan taageerayaasha.

Kulankii ugu dambeeyay ee England la dheeshay Hungary ayaa sidoo kale taageerayaal la’aan la ciyaaray,waxaana daawanayay Carruur Iskuulley ah oo ka yar 14 jir kuwaas oo aysan Xeerarka UEFA qabaneyn.

Uefa ayaa sidoo kale Xiriirka Kubbadda Cagta England ee FAga ganaaxday lacag dhan €100k oo Eur.

Kulanka caawa 7:45 waqtiga England billaabanaya ayaa loo arkaa ciyaar muhiim u ah labada waddan ee tartanka Euro Nations ka ciyaaraya xilli 5 bil kaddib uu koobka kubbadda Cagta Adduunka ka furmayo Waddanka Qadar.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan