Home / Macluumaad / Maxkamad furriinka lammaanaha ku xiraysa inay galaan imtixaan.

Maxkamad furriinka lammaanaha ku xiraysa inay galaan imtixaan.

Muqdisho – Furriintu ma ahan wax fudud, hayeeshe wuxuu kasii adag yahay Maxkamadda Yibin People’s Court oo ku taalla gobalka Sichuan, halkaas oo hal garsoore  uu dhawaan dhaqan-geliyay imtixaan furriin oo labada lammaane ay qasab tahay inay ku dhacaan si codsiga furriinkooda uu ku ansaxo.

Imtixaan furriinku waa fikrad uu lahaa Wang Shiyu – oo ah garsoore kamid ah maxkamadda Yibin, kaas oo, kadib u kuur-gelista in kiisaska furriinku ay tiro ahaan isasoo tarayaan, go’aansaday inuu wax ka qabto. Ku-tala-galkiisu waxay ahayd in labada lammaane ay laba jeer ka fikiraan wada-jirkooda kahor inta aysan qaadanin go’aanka kala-tegista iyo in sidoo kale la siiyo fursad dib loogu xusuusinayo waqtigii wacnaa oo ay soo wada-qaateen.

Sidaas darteed, wuxuu la yimid dhowr su’aalood oo labada lammaane la kala weydiinayo. Waxaana qasab ah inay gooni-gooni uga kala jawaabaan. Haddii ay keenaan wax ka yar 60 buundo, Wang wuxuu ansixinayaa codsiga furriinkooda, haddii kale, waa inay isla sii noolaadaan – u eegis la’aan inay ku qanacsan yihiin iyo in kale.

“Ku-tala-galkeennu waa inaan ogaanno heerka guurka dhabtiisu ka taagan yahay lammaanaha. Laga yaabee inay naftooda imtixaanaan qiimeynna ay u muujiyaan dhiggooda,” ayuu yiri Garsoore Wang.

“Ka degmo ahaan ay ku nool yihiin in ka badan hal milyan, maxkamadda Yibin waxay qaabishaa dhowr kiisas qoysaska la xiriira. Midka furriinka wuxuu ku jiraa kaalinta koobaad. Ka aabo ahaan la nool qoyskiisa, marka aan la fal-galayo kiisaskan, madoonayo inaan arko lammaane kala irdhoobaya,” ayuu sii raaciyay.

Imtixaanku wuxuu ka kooban yahay saddex qeybood – buuxi meelaha bannaan, su’aalo gaagaaban iyo faallo – ay la socdaan weydiimo gun-dhig u ah xogta sida maalmaha dhalashada ee lammaanaha, cunnada ay jecel yihiin, sanad-guurada arooskooda iyo wixii lamid ah.

Weydiimaha kale waxaa ku jira: “Maxaad mas’uuliyad ah oo aad qoyskan ku leedahay?”, “Maxaad wanaag ah oo aad sameysay maxaase xumaan ah oo aad fashay?”, “Maxay kaaga dhigan yihiin guurka iyo qoyska?”.

Marka ay dhameeyaan jawaabaha, garsoorka ayaa aqrinaya kahor inta uusan u qorin buundada ama darajada ay helaan.

Mid kamid ah imtixaannadii ugu horreeyey oo laga kala qaado laba lammaane, waxay kala heleen 80-86. Wang wuxuu sheegay inay ka dhaadhiciyeen dhaqashada reerkooda iyo inay isku nagaadaan.

Wararka la xiriira arrintan oo aad ugu baahay baraha bulshada ayaa lagu kala aragti duwanaaday. Halka dad badan ay sacabada u tumeen, in kale ayaa ku tilmaamay go’aan shaqsi oo aan mudnayn in la fara-geliyo. Waxayna maxkamadda ugu yeereen inay xoogga saarto arrimaha kale sida xaq-dhowrka iyo xanaanada carruurta ay lammaanaha kala tagaya ay helayaan.

divorce-exam divorce-exam2-750x999

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan