Himilo – Maalinta Caalamiga ee haweenka waa dhacdo si guud dunida looga xuso 8 Maarso sannad kasta tan iyo markii la sameeyay. Munaasabadaha maalintan la qabto waxaa lagu casuumaa haween kala duwan kuwaa oo ka dhex muuqda siyaasadda, dhaqaalaha, hal- abuurka iyo dhinacyo kale.
Dhammaan ka qeyb galayaasha waxay soo jeediyaan sheekooyinka dhiiri-gelin iyo xanuunba leh kuwaa oo ku dhacay haweenka, geesta kale waxaa la cambaareeyaa kuwa loo arko inay ku lug leeyihiin dhibka ku dhaca dumarka
Markii ugu horreysay 8 Maarso waxaa looga dabaal deggay si heer qaran ah New York Mareykanka 28 February sannadkii 1909. Waxa xigay tallaabo ay qaadeen dhawr dal oo reer Yurub kuwaa oo taageeray codbixinta dumarka sannadkii 1914-kii. Ururkii midowgii Soviet ayaa ku suntan billaabidda fasax rasmi ah 1965.
Balse Maalintan waxay noqotay dhacdo caalami ah kaddib markii qaramada midoobay ay u aqoonsatay Maalinta Caalamiga ah ee haweenka sannadkii 1975-kii, wixii ka dambeeyay xilligaa waxaa lagu hawlanaa kor u qaadida kaalinta haweenka ee bulshada.
27 dalka ayaa 8 Maarso ka dhigay maalin caalami ah, hase ahaatee badankood uma arkaan maalin loo dagaalamo xuquuqda haweenka,balse waxaa la garowsan yahay in boqolkii sanno ee tagay dumarka ay xaqiijiyeen xuquuq ka maqneyd sida shaqada helidda.
Iyadoo uu isbedel jiro haddana waxaa la rumeysan yahay in qaar ka mid ah ahdaaftii waawaynaa ee maalintan loo unkay sida sinnaanta jinsiga in weli aan la wada taaban, sidaa darteed waxaa lagu joogaa waddo dheer.
Dalalka qaar haweenku waxay dhibbane u yihiin gudniinka fircooniga, quursi iyo tacaddiyo kale sida kufsiga iyo addoonsiga.
Seddexdii haween ah waxay u badan tahay inay wajahaan rabshad noloshooda, sida ay sheegtay qaramada midoobay qiyaastii 740 milyan oo haween ah ayaa ku nool nolol hooseysa, sidaa awgeed way adag tahay inay helaan ilaalin bulsho.