Home / Habka-Nolosha / “Messi isagu waa ciyaaryahan aad ku raaxeysan karto,” Robeto Martinez

“Messi isagu waa ciyaaryahan aad ku raaxeysan karto,” Robeto Martinez

Muqdisho – Hogaamiyaha xulka qaranka Belgioum ayaa si balaaran u amaanay laacibka Barcelona Lional Messi, Roberto Martinez ayaa qadarin u haya mucjisada argentina ee messi,I saga oo ku tilmaamay in uu yahay midkii ugu wanaagsana ee soo mara koonka aan maanta dul saaranahay, waana midkii ugu wacnaa ee la daawado.

Hogaamiyihii hore ee kooxaha Wigan iyo Everton, dhawaanna xulka Red Devils ka saacidey in soo gaaran heerka afar dhamaadka, koobkii dunida ee lagu soo gabagabeeyey dalka qaboowaha Rusia Ayaa yiri “Waan rumeysanahay in ay adag tahay in la sameeyo si cadaalad ah waxa uu qabanayo Messi, laakiin isaga qudhiisu waxay u tahay qibrad weyn.”

“Messi isagu waa ciyaaryahan aad ku raaxeysan karto”, Martinez ayaa u sheegay webka Barcelona.Com.

“Marka uu garoonka banaanka u maqan yahay, islamarkaana uu ku muujiyay England, taasi waa wax qof walba uu ku qadarin karo.”

Messi ayaa qaab ciyaareed fiican ku jira xilli ciyaareedkan isaga oo diiwan geliyey 11 gool kulamo badan oo uu ciyaaray laacibkaan.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan