Home / Cayaaro / Messi ma sii ciyaari doonaa koobka xiga ee adduunka?

Messi ma sii ciyaari doonaa koobka xiga ee adduunka?

Himilo – Kabtanka xulka qaranka Argentina ee Lionel Messi ayaa meesha ka saaray suurtogalnimada inuu ka fadhiisto ciyaaraha caalamiga ah, kaddib guushii finalka koobka adduunka ee xulkiisu uu ka gaadhay France.

Natiijadu waxay keentay in Messi uu qaado koobka kaliya ee uu ku taami jiray. Wuxuu horey ugu soo guuleystay wax walba oo macquul ah oo heer kooxeed ah marka lagu daro Copa America oo uu dalkiisa la qaaday sanadkii hore.

35 jirkaan ayaa xaqiijiyay kahor finalkiia koobka adduunka 2022 ee Qatar inuu noqon doono kii ugu dambeeyay, Si kastaba ha ahaatee, Messi ayaa ku adkeystay inuu u sii ciyaari doono dalkiisa mustaqbalka dhow.

“Maya, kama fariisan doono xulka qaranka, waxaan doonayaa inaan sii wato ciyaarista koobka aduunka oo aan sito funaanada Argentina” ayuu u sheegay TyC Sports.

Messi ayaa si dirqi ah ku waayay kabta dahabka ah ee lagu bixiyo u badnaanta gool dhalinta, waxaa ku garaacay saaxiibkii Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe balse wuxuu helay kubadda dahabka ah ee la siiyo ciyaaryahanka ugu wanaagsan – sidaas waxa uu ku noqday qofkii ugu horreeyay ee laba jeer hela.

Xiddiga todobada jeer ku guulaystay Ballon d’Or waxa uu dhaliyay 7 gool. Sidoo kale wuxuu caawiye ka ahaa 3 kale intii uu socday tartanka isaga oo guud ahaan Argentina u dhaliyay 98 gool 172 kulan oo uu u saftay.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan