Ciyaaryahanka Messiee u dhashay dalka Argentina ayaa ku guuleystey abaalmarinta sanadka ee ciyaaryahanka ugu wanaagsanaa caalamka ee Ballon d’Or.
Xaflad weyn oo lagu qabtay magaalada Zurich ee dalka Switzerland ayaa waxaa lagu doortay ciyaaryahanada caalamka ee ugu wanaagsanaa sanadkii hore waxaana sanadkan ku guuleystey Messi
Waxaa la soo saaray shaxda kooxda duunka ugu fiican ee FIFA FIFPro World XI, waxaana xidigaha ugu badan ka helay kooxaha ree Spain ee Barcelona iyo Real Madrid.
Kooxdan ka kooban 11ka ciyaaryahan ayaa siddeed ka mid ah waxa ay ka ciyaaraan dalka Spain gaar ahaan kooxaha Barcelona iyo Real Madrid.
Barcelona ayaa shaxdan ka heshay afar ciyaartoy halka sidoo kale Real Madrid ay ku leedahay afar ciyaartoy, kooxaha Juventus, PSG iyo Bayern Munich ayaa min hal ciyaartoy ka helay shaxda kooxda aduunka ugu fiican. Halkan hoose kaga bogo shaxda oo dhamaystiran.
Shaxdan ayaa ah 4-3-3, waxaana ku soo baxay xiddigo qaab ciyaareed fiican kubbada cagta ku soo bandhigay xili ciyaareedkii la soo dhaafay laakiin horyaalka Ingiriiska ayaan hal ciyaartoy ku lahayn shaxdan si la mid ah shaxdii ay dhawaan soo saartay shabakada rasmiga ah ee UEFA oo uu horyaalka Ingiriisku ka maqnaa.
Goolhaye: Manuel Neuer
Difaca Midig:: Dani Alves
Difaaca dhexe: Sergio Ramos
Difaaca dhexe: Thiago Silva
Difaaca Bidix: Marcelo.
Dhexda: Andres Iniesta
Dhexeda:Paul Pogba
Dhexda:Luka Modric.
Weerarka Neymar
Weerarka:Lionel Messi
Weerarka:Cristiano Ronaldo.