Home / Cayaaro / Messi oo xulkiisa ku hoggaamiyay koobka Finalissima kaddib markii ay garaaceen Talyaaniga

Messi oo xulkiisa ku hoggaamiyay koobka Finalissima kaddib markii ay garaaceen Talyaaniga

Himilo – Xulka Kubadda Cagta Waddanka Argentine ayaa ku guuleystay koobka Finalissima ee loo qabto waddamada ku guuleysta tartamada Qaaradaha Europe iyo America.

Xulka Argentine ayaa 0-3 ku dhubtay xulka Talyaaniga oo ku guuleystay tartanka qaramada Qaaradda Europe halka Argentine heysato tartanka qaramada Qaaradda America.

Xulkka Argentine ayaa koobka ku qaaday saddex  go loo u ka kala helay xiddigaha kala ah;  Lautaro Martinez, Angel Di Maria iyo Paulo Dybala.

Ciyaarta Finelka ah oo ka dhacday Garoonka Xulka Qaranka England ee Wemplay ayaa waxaa daawanayay 87,000 oo qof,waxaana xiddigga Garoonka qaatay Lionel Messi.

Koobkan ayuu la aadayaa waddanka Qadar halkaas oo Bishan Novemer uu ka furmayo Koobka kubadda Cagta Adduunka ee sanadka 2022

Giorgio Chiellini, ayaa kulankuu ugu dambeeyay u dheelay xulkiisa Qaranka xalay maaddaama uu ciyaaraha ka fariisanayo,waxaana uu ceyrsanayay Messi kaas oo kubbado natiijo keenay oo uu baasay goolal isu beddeleen.

Giorgio oo la hadlayay RAI ciyaarta kaddib ayaa sheegay in uu ka xunyahay natiijada oo aysan habeenkiisa ahayn,waxaana uu intaas ku daray in uu ciyaaraha qaranka ka fariisanayo iyada oo uu guul darro la hoyday xulkiisa.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan