Home / Cayaaro / Messi “Waan sii joogi doonaa Barcelona”

Messi “Waan sii joogi doonaa Barcelona”

Himilo ­­­­­­­­­­­­­­­­­– Lional Messi ayaa ugu danbeytii sheegay inuu sii joogi doono Barca tan iyo xilli ciyaareedka danbe,kadib warkii naxdinta galiyay taageerayaasha Spain ee ka tagistiisa kooxda uu waqtigiisa galiyay ee Barcelona.

“Waan sii joogayaa sabatoo ah madaxweynaha ayaa ii sheegay in wadada kaliya ee aan ku bixi karaa ay tahay in la bixiyo 700 milyan oo Yuuru si loo burburiyo hashiiska,taasina suuragal ma aha”ayuu yiri halyeyga Barca Lional Messi.

Messi ayaa rumeysan in burburinta heshiiskiisa ay u ogolaaneyso inuu beeca xorta ah kaga tago Barcelona,balse kooxdiisa iyo La Liga ayaa ku adkeysanaya in si buuxda loo bixiyo 700 oo milyan oo Yuuru si loo burburiyo heshiiska Lional.

Dhinaca kale Aabihii ayaa warqad uu jimcihii u qoray maamulka horyaalka La Liga ku adkeysatay in si aayar ah loogu ogolaado inuu beeca xorta ah kaga dhaqaaqo kooxda Barcelona.

Is jii-jiidka u dhaxeeya Qoyska Messi iyo La Liga ayaa lagu xalin karaa Maxkamadda,balse ciyaariyahankan ayaa sheegay inuusan doonin in maxkamad uu la istaago kooxdiisa uuna jecelyahay.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan