Himilo – Kai oo ah 21-jir qadka dhexe kaga ciyaara kooxda Buyer Leverkusen ayaa lagula soo wareegay heshiis ku kacaya 75.8 Milyan oo pound.
Havertz oo noqonaya dooqii toddobaad ee tababare Frank Lampard waxa uu kooxda u saxiixay heshiis shan sano ah.
Waxa uu halkaasi kula midoobi doonaan saaxiibadiisa cusub ee kooxda sida Timo Werner, Hakim Ziyech, Ben Chilwell, Thiago Silva, Malang Sarr and Xavier Mbuyamba.
Kadib heshiiskiisa ayuu u sheegay warbaahinta “Aad baan u faraxsanahay waana ku han weynaa inaan halkan imaado,Aniga ku biiristeyda Naadi Wayn sida Chelsea waxey iiga dhigan tahay riyo ii rumowday ma sugi karo inta aan kala kulamo ciyaariyahanada iyo tababarayaasha, Haa waan ku faraxsanahay inaan halkaan ahaado”.
Kooxda Buyer Leverkusen iyo Germany ayaa xaqiijiyay tagista Kai Havertz.
Havertz oo dhammaan xirfadiisa ciyaaraha la qaatay Leverkusan ayaa dhaliyay 36-gool,waxa uuna sameeyay 25 caawin kaliya 118 jeer oo uu kasoo muuqday horyaalka Bundesliga.