Home / Cayaaro / Mikel Arteta oo ku kalsoon in Aubameyang uu baaqi ku ahaan doono Arsenal

Mikel Arteta oo ku kalsoon in Aubameyang uu baaqi ku ahaan doono Arsenal

Mikel Arteta ayaa ku kalsoon in xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang uu kooxda sii joogi doono isla markaanna laacibka reer Gabon uu baaqi ku aahan doono Emirates.


Aubameyang waxa qandaraaskiisa kooxda kaga haray muddo 12 bilood laakiin Arteta waxa uu leeyahay “ Waxaa socda wadahadallo heshiis cusbooneysiin ah”.

31-jirkaan horey ugu soo ciyaaray Borussia Dortmund ayaa laba gool dhaliyay kulankii Arsenal ay guusha ka gaartay Manchester City Sabtidii taasi oo ka saaciday gaaridda finalka FA Cup.

Mar wax laga weydiiyey arrimaha Aubameyang ayuu Arteta u sheegay Sky Sports News: “Waxaa socda wadahadallo heshiis kordhin ah, waxaan ku kalsoonahay in uu kooxda sii joogi doono”.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan