Home / Cayaaro / Milkiilaha Lyon oo sheegay in Arsenal aysan bixin karin qiimaha Aouar

Milkiilaha Lyon oo sheegay in Arsenal aysan bixin karin qiimaha Aouar

Himilo – Jean-Michel Aulas, milkiilaha ahna madaxweynaha kooxda Lyon, ayaa ka hadlay warar dhawaanahan la isla dhex marayey oo ku aadanaa mustaqbalka Houssem Aouar.

Aulas, ayaa qoraal uu ku daabacay Twitter-kiisa ku sheegay in Arsenal aysan u dhaweyn iibsashada xiddigga khadka dhexe kaga ciyaara Lyon ee Aouar.

Waxa uu sii raaciyay in uu rajeynayo in Houssem Aouar uu kasoo muuqdo kulanka axadda ay kooxdiisa la ciyaari doonto FC Lorient.

Warka Madaxweynaha Lyon, ayaa yimid xilli jimcihii ay soo baxayeen warar sheegaya in Houssem Aouar ay suuragal tahay inuu ku biiro kooxda Liverpool.

Walibana ay ka gudbisay dalab gaaraya 32-milyan oo ganni.

About Sadia Nour

error: Copy lama Ogola Fadlan