Magaaladda Wajeer ee dhacda gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa dhowaan laga hirgeliyay waddo cusub oo laami uu saaran yahay, iyadoo ay u aheyd kolkii ugu horeysay oo taariikhda waddo laami ah magaaladaa la saaro.
Wajeer oo 600KM u jirta magaaladda Nairobi ayayna maamulkeedu ka fekerayaan badqabka marinkan cusub oo loo sameeyay iyo ilaalintiisa.
Magaaladdu waxay caan ku tahay adeegsiga gaadiidka dameerada, shaqo haldoor u ah bulshada ayayna dameeradu u hayaan dadka ku nool guud ahaan gobolka Waqooyi Bari.
Maamuulka degmada Wajeer oo ka xeeladeysanaya dameerada iyo wasaqeynta laamiga ayaa amar adag oo qalafsanaan ay u arkeen badi bulshada kusoo rogay milkiilayaasha dameerada.
Milkiilayaasha dameerada ayaa la amray in magaalada aanay ku dhex wadi karin dameer ilaa ay gadaal kaga xiraan jawaan si saxarada dameerku aanay u wasaqeyn laamiga halkaa laga dhisay.
Waddada oo dhererkeedu yahay 27km ayay dowladda Kenya magaalada Wajeer ka dhistay dabayaaqada sanadkii hore kaddib markii dadka ku dhaqan magaaladda ay toboneeyo sano dowladda ka dhowrayeen in waddo laami ah loo dhiso.
Go’aankan mid lamid ah ayaa horaan lagu soo rogay magaaladda Limu oo 50KM dhanka Waqooyi Galbeed uga beegan Nairobi, iyadoo amarkaa lagu soo rogay sanadkii 2007 walow uusan dhaqan gelin.