Home / Cayaaro / Miralem Pjanic oo markiisii ugu horreysay kusoo bilaabanaya safka Barcelona

Miralem Pjanic oo markiisii ugu horreysay kusoo bilaabanaya safka Barcelona

Himilo – Tababaraha Barcelona ee Ronald Koeman ayaa magacaabay safka kooxdiisa  tartanka UEFA Champions League ciyaarta ay wajahayaan Ferencvaros, xilli laacibka Miralem Pjanic uu markiisii ugu horreysay kasoo muuqan doona kooxda reer Catalan sida ay werisay barcablaugranes.

Barcelona ayaa Pjanić kala soo saxiixatay Juventus bishii  June 2020 adduun lacageed dhan  €60 milyan oo Yuuro, iyada oo uu hehiiskan qeyb ka ahaa Arthur Melo, kaasi oo ay Juventus kula soo wareegtay €72 milyan oo Yuuro.

Miralem Pjanic waxa uu kamid ahaa xiddigaha sida weyn ugu soo dhex muuqday wakhtigiisii Juventus, isaga oo kula guuleystay afar Serie A titles, laba Coppa Italias, waxaaana loo magacaabay kooxda sannadka ee Serie A xagaayada 2015–16, 2016–17, 2017–18 and 2018–19.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan