Himilo -Frenkie de Jong, ayaa rasmiyan usoo gaaray kooxda milkiyaddiisaba goor hore yeelatay ee Barcelona, isagoo aroornimadii saakay maray tijaabadii caafimaad.
Imaatinkiisa Blaugrana, waxa ay uga dhigantahay xiddigii labaatanaad ee holandees ah taariikhda Catalonia muddadii 45 sano aheyd ee lasoo dhaafay.
Halyeygii hore ee Netherland, Johan Cruyff, ayaa ahaa laacibkii ugu horreeyay oo holandees ah kana mid noqday Barcelona, xilli cayaareedkii 1973-1974. Kaddib waqtigaas waxa ay Catalonia si is-daba jog ah u marti gelisay xiddigo isla wadankaas ka soo jeeda oo raadeeyay dunida cayaaraha.
Dhammaan halyeyadii Netherland ee kooxda kaga soo horreeyay de Jong, ayaa barca la hantay billado, marka laga reebo Edgar Davids oo si amaaha xilli cayaareed barkiis naadiga ku qaatay sanadii 2004, kaddibna isaga laabtay kooxdii uu ka yimid ee Juventus.
Haddaba is weydiinta taagan ayaa noqoneysa, Miyuu Frenkie de Jong billado kala duwan kula guuleysan doonaa Barcelona sida halyeeyadii isu dalka ahaayeen ee naadiga magaca ku reebay?