Home / Habka-Nolosha / Mkhitaryan oo ku biiray kooxda Manchester United

Mkhitaryan oo ku biiray kooxda Manchester United

Kooxda kubadda cagta Borussia Dortmund ayaa baahisay in xiddigii qadka dhexe u maamuli jiray kooxdooda Henrikh Mkhitaryan uu ku biiray kooxda Manchester United.

Wiilka reer Armenia ayaana waayihii dhowaa si weyn loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Old Trafford walow ilaa iminka kooxda kubadda cagta Manchester United aanay baahin in heshiiskiisa ay soo gebagabeysay.

Warbixin ka dhan ah 27 jirkaan ayayna Dortmund soo dhigtay barteeda bulshada iyadoo ay warbixintu u qorneyd “Wadadii Borussia Dortmund iyo qadka dhexe Henrikh Mkhitaryan oo kala duwanaatay, BVB waxay xaqiijineysaa kaddib doodo adag inay tixgelineyso hankii wiilka qaranka Armenia ee ahaa inuu ku biiro Manchester United.”

Mkhitaryan ayaa ku qaatay saddexdii xagaa ee u danbeysay kooxda Dortmund, isagoo dhaliyay 40 gool kaddib 136 kulan oo dhammaan tartamada ah.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan