Home / Macluumaad / Mobile Caaqil ah kii ugu raqiisanaa oo laga soo saaray dalka Hindiya

Mobile Caaqil ah kii ugu raqiisanaa oo laga soo saaray dalka Hindiya

Freedom 251 waa telefoon Android ah oo ay xayaysiin u samaysay shirkadda reer Hindi ee Ringing Bells, waana telefoonka ugu raqiisan dunida ee telefoonaadka caaqilka ah.

Telefoonkan muuqaal ahaantiisa marka aad gacanta ku dhigto wuxuu kuula egaanayaa telefoonka ay sameyso shirkadda Apple ee iPhone 5.

Kaamerad ayuu ku leeyahay hore iyo gadaal.

Balaciisu wuxuu dhan yahay 10.2cm.

Ram-kiisuna waa 1GB

Intaa waxaa u dheer inuu leeyahay Keyd gudeed oo gaarsiisan 8GB, lana kordhin karo oo la gaarsiin karo 32GB.

Dhibaatada muuqata ee ilaa iminka uu leeyahay telefoonkan ayaa ah in Applications-kiisu ay yaryihiin oo ay ku kooban yihiin kuwa muhiimka ah, Ogowse qiimihiisu waa 251 Rubi ‘lacagta dalka Hindiya laga isticmaalo.’

Calculator, Music Player, Web browser iyo Email ayaa ah qaar kamid ah Applicationska tirada yar ee telefoonkan uu leeyahay.

Lacagta lagu heli karo telefoonka Freedom 251 ayaa u dhiganta 4$, waana sabab keentay in su’aalo ay booliska iyo hey’adaha ku shaqada leh canshuuraha weydiiyaan shirkadda xayeysiiska maanta sameysay.

Hindiya waa suuqa labaad ee dunida ugu iibsiga badan telefoonaadka, maadaama uu marti u yahay dalkaan hal bilyaan oo macmiil, waana sababta uu Mr Goel agabyo burburay uga soo daabulo Taiwan, kuna farsameeyo shirkaddiisa oo ku taalla magaaladda Haridwar oo dhacda Waqooyiga Hindiya.

In ka badan 700 oo Milyan oo ruux ayaa dalbaday telefoonaadkan, waase u nasiib xumo inaanay heli doonin ilaa 30ka bishan June.

Telefoonkan ayaana ku yimid labo midab oo kala ah Madow iyo Cadaan, shirkadda ayaase iminka si hordhac ah u beecin doonta 200,000 oo telefoon.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan