Home / Cayaaro / Mohamed Salah oo dhaliyay goolkiisii 100-aad ee Liverpool

Mohamed Salah oo dhaliyay goolkiisii 100-aad ee Liverpool

Himilo – Xiddiga xulka qaranka Egypt ayaa si cajiib ah ugu soo muuqday ciyaar ay Reds barbaro 2-2 ah la galeen kooxda ay xafiiltamaan ee Everton.

Weeraryahanka Liverpool ee Mohamed Salah ayaa dhaliyay goolkiisii 100aad ee naadiga, kulankii uu wajahay naadiga ay debiga  Merseyside ku xafiiltamaan ee Everton.

Waxa uu Salah u ahaa goolkiisii 100-aad kaddib markii uu kooxda u saftay 138 kulan, isaga oo Liverpool ka saaciday hanashada Champions League iyo Premier League.

Reds waxa ay xiddigan kala soo saxiixatay Roma xagaagii 2017, laacibkii hore ee Chelsea ayaa 32 gool dhaliyay 36 kulan oo uu Premier League dheelay 2018.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan