Home / Cayaaro / Mohamed Salah: “Waxaan doonayaa Real Madrid finalka Champions League”

Mohamed Salah: “Waxaan doonayaa Real Madrid finalka Champions League”

Himilo – Weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah ayaa xaqiijiyay inuu doonayo inuu Real Madrid ku wajaho ciyaarta ugu dambeysa Champions League ka dib markii kooxdiisu u soo baxday Finaalka.

Kooxda Reds ayaa u safartay Spain iyada oo  leh gool gurigeeda kaga dhalisay lugtii hore kooxda Villarreal. kooxda Unai Emery ayaa qeybtii hore ciyaarta heshay labo oo ay isaga guday labadii deynta ku lahaa.

Liverpool waxay u muuqatay inay maamuli weydo kubbadda, waxaa la saaray culeys badan kaas oo horseeday in laga dhaliyo labo goo loo degdeg ah. Balse qeybtii dambe wxay ku soo laabteen dardar.

Diaz oo beddel ku soo galay ciyaarta, Fabinho iyo Sadio Mane ayaa Liverpool ku hoggaamiyay guul 3-2 ah, waxay xaqiijisteen imaanshaha finalka tartanka dhego-weynaha Champions League ee gabagabada ah.

Liverpool ayaa finalkii 10-aad ee Champions League waxay isku arki doontaa midkood Real Madrid ama Manchester City, oo caawa ku dagaalami doona ciyaar isha ay ku hayaan tageerayaasha labada kooxood.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan