Home / Caafimaad / Monkeypox: Feyruska ku faafaya dunida

Monkeypox: Feyruska ku faafaya dunida

Himilo – Hay’adda caafimaadka adduunka ee (WHO), ayaa digeysa in feyruska Monkeypox ee kiisaskiisa laga helay dalalka u badan reer yurub uu ku faafo dunida oo uu gaaro wadamo hadda ka nabdoon.

Tan iyo 7-dii May, 131 kiis oo xanuunka Moneypox ah, ayaa laga diiwaan geliyay in ka badan 18 dal, halka 106 kalena aan si rasmi ah loo xaqiijin, sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka Qaramada Midoobay.

Waxaa ka mid ah dalalkaasi UK, Mareykanka, Kanada, Jarmalka, Talyaaniga, Spain, Bortuqiiska, Australia, Imaaraadka Carabta, Sweden, Switzerland, Faransiiska, Austria, Denmark iyo Belgium oo noqotay dalkii ugu horreeyay ee amra in qofka qaada xanuunka Monkeypox uu is karantiilo.

Tusaalle UK oo kaliya in ka badan 54 kiis ayaa laga xaqiijiyay toddobaadyadii lasoo dhaafay, labaatan ka mid ah kiisaskaasi waxaa la diiwaan geliyay jimcihii oo kaliya. Sheekada cajiibka leh ayaa ah in dadkaasi badankood aysan gelin wax safar ah dhawaanahan ba, waxaa ka mid ah shaqaale caafimaad oo la tuhunsan yahay inuu xanuunka ka qaaday bukaankiisa.

Inkasta oo WHO ay sheegeyso in feyrusku darneyn, haddana dowladda UK waxey billawday inay iibsato xirmooyin tallaal Busbuska ah, si ay u xakameyso Monkeypox.

Joe Biden madaxweynaha Mareykanka oo isbuucan ka hadlayay markii ugu horreysay, ayaa kiisaska xanuunka ee laga helay Yurub iyo dalkiisa ku tilmaamay wax laga walaaco.

Warka farxadda leh ayaase ah in illaa iyo hadda inta la ogyahay in feyruska sababin dhimasho oo uusan na lahayn qeybsan si a mid ah Karoona oo wajiya badnaa.

Muxuu yahay Monkeypox?

Waa xanuun uu sababo feyruska Monkeypox ee la bah-wadaagga ah feyrusyada la isku yiraahdo smallpox ee dhaliya Busbuska ku dhacaya maqaarka aadanaha. Waxaa markii ugu horreeysay lagu arkay Daanyeero ku noolaa keymaha ku yaalla galbeedka iyo Bartamaha Africa sanadkii 1950s, balse 1970-kii ayaa laga helay aadanihii ugu horreeyay.

Waa faafay oo waxaa lagu arkay kiisaskiisa illaa 11 dal oo dhaca Africa, waxaa ka mid ahaa, Benin, Cameroon, Jamhuuriyadda Bartamaha Africa, Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Congo, Gabon, Côte d’Ivoire, Liberia, Nigeria, the Republic of the Congo, Sierra Leone, iyo South Sudan. Haddase sida muuqata waa uu ka gudbay qaaradda.

Sida ay sheegtay WHO, feyruska waa mid kasoo gudba xayanaadka ku nool keymaha una dusa aadanaha sidoo kalena bini’aadamka qudhiisa ayaa is qaadsiin kara, inkastoo khubarada qaarkood ay xaaladaasi ku tilmaamayaan mid naadir ah.

Astaamihiisa

Dadka qaada feyruska Monkeypox waxaa caadiyan lagu arkaa Qandho, madax xanuun darran, murqo iyo dhabar xanuun, tamar yari, Qanjirada oo barara iyo finan buur-buuran oo biya wata oo kasoo baxa jirkiisa.

Waxaa badanaa finankaasi ay kasoo muuqdaan qof maalinta koowaad illaa tan seddaxaad, markaasi oo ay qandhadunu billawdo, waa ay fidaan mararka qaarna si tartiib ah ayey u koraan, waxaa ku jira dheecaano  cad amaba huruud xigeen ah maalmo kaddib na waa ay dillaacaan, qallalaan oo shuuqaan.

Waxey kasoo muuqdaan badanaa oo ay kasoo baxaan wajiga, calaa-calaha gacmaha, iyo cagta, xaaladaha qaarna waxaa lagu arkaa Afka, xubnaha taranka iyo indhaha bukaanka qaada feyruska monkeypox, sida ku dhigan xogta hay’adda caafimaadka adduunka.

Dhammaan calaamadahan waxey hayaan ruuxa labo illaa afar isbuuc, ugu danbeyntiina waa ay baaba’aan dawo la’aan. Qofka isakaga shaki xanuunkan waxey dhaqaatiirtu ku taliyaan inuu raadsado talo caafimaad kahor inta uusan isticmaalin dawo.

Yaa khatar ugu jira?

Ruux weliba oo xiriir dhaw amaba mid taabasho ah la sameeyo qof amaba xayawaan sida feyruska waxaa uu khatar heerkeedu sareeyo ugu jiraa inuu qaado feyruska Monkeypox, marka laga reebo midka qaatay tallaalka busbuska oo suurtagalnimada uu ku qaadi karo ay yar tahay, sida ay xustay WHO.

Dhallaanka iyo waayeelka oo uusan xooganeyn difaacooda waxey si gaar ah khatar ugu jiraan calaamadaha halista leh ee feyruska amaba wey u dhiman karaan, sidoo kale shaqaalaha caafimaad ayaa ah kuwa halista ugu badan wajahaya.

Siduu qof isaga illaalin karaa?

Xeeldheerayaasha cudurada faafa ayaa qaba in ruux ku dhimi karo halista Monkeypox isaga oo ka fogaanaya bukaanka qaaday feyruska amaba isaga shakisan. Haddii aad ku qasbanaato inaad xiriir la sameyso maadaama aad tahay shaqaale caafimaad amaba aad guri ku wada nooshihiin xiro af-saab oo dabool halka nabruhu ku yaalaan waadna ku dhiiri-geli qof qaba xanuunka inuu is karantiilo si ay u badbaadaan dadka kale.

Waxey ku talisaa WHO in mar weliba ruuxa ku dhaqo gacmahiisa Oomo, Saabuun, Danbas amaba jeermis dile kale, si gaar ah marka aad taabato jirka bukaan qaaday feyruska Monkeypox, dhar uu xirtay, ku jiifato sariir uu leeyahay amaba shey kale oo uu adeegsaday tusaalle Maacuunta guriga.

Sidoo kale biyo kulul isticmaal mar kasta oo aad nadiifineysid dharka iyo sheeyada kale ee uu isticmaalay bukaanka.

Khubarada caafimaadka qaarkood waxey qabaan in tallaalka Smallpox ee Imvamune ee la ansixiyay 2019-kii loo adeegsan karo ka hortagga Monkeypox, balse weli ma ahan tallaalka mid la wada heli karo.

About Sadia Nour

error: Copy lama Ogola Fadlan