Home / Habka-Nolosha / Morgan oo doonaya Mahrez inuu sii joogo Leicester

Morgan oo doonaya Mahrez inuu sii joogo Leicester

Kabtanka kooxda kubadda cagta Leicester City Wes Morgan ayaa kula taliyay wiilka koox wadaagga ay yihiin Riyad Mahrez inuu sii joogo King Power Stadium xilli dalabyo xooggan uu helayo.

Laacibka reer Aljeeriya ayaa fursado wacan ka heli kara kooxo waa weyn, waxaana kooxaha xiiseynaya horboodeysa Arsenal oo rajo ka qabta xiddigan garabka ka cayaara inay geyso Emirates.

Xiddiga sanadka horyaalka Ingiriiska, Mahrez, ayaa dhaliyay 17 gool isagoo caawiye ka noqday 11 kale. Wuxuuna Dawacooyinka u horseeday hanashada horyaal aan weligeed loo saadin.

Barcelona ayaa iyana safka kooxaha ugaarsiga u haya wiilkan ka mid ah, lamase oga kooxda uu u dhaqaaqayo, walow uu muujiyay inuu baxayo xagaagan oo naadi weyn uu ku sii jeedo.

Saaxiibkiisa kooxda Morgan ayaa yiri “Waan hubaa in hadal heyn badan jirto, waxaanse rajeynayaa inuu qof walba qaado waddadeyda oo kooxda uu sii joogo.” Kabtanka ayaana dhowaan saxiixay heshiis cusub oo saddex sanadood ah.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan