Home / Habka-Nolosha / Mourinho oo jeedaalinaya sababta sidiisa oo kale Wenger aan loogu qanaaxin gafafkiisa
Nov 19th 2016 - Manchester, UK - MAN UTD V ARSENAL - Jose and Wenger PIcture by Ian Hodgson/Daily Mail

Mourinho oo jeedaalinaya sababta sidiisa oo kale Wenger aan loogu qanaaxin gafafkiisa

England – Jose Mourinho, macalinka kooxda Shayaadiinta Cascas ayaa si aan toos ahayn u tilmaamay in xiriirka FA ay tallaab ka qaadaan macalinka ay xifaaltamaan ee Wenger.

Macalinka United-ka ayaa bilowga xilli ciyaareedkan dhib kula jira faallooyin canaan ah oo uu ku bixiyay garsoorihii dhex-dhexaadinayay ciyaartii ay la yeesheen Liverpool iyo sidoo kale isaga oo si caraysan caagad biyo ku jiraan ugu dhex laaday gudaha garoonka Old Trafford. Wuxuuna mutay laba ganaax taniyo xagaagan.

Hayeeshe, loolamihiisa weyn ee macalin Arsen Wenger ayaan la kulmin wax ganaax oo kaga yimid faallooyin sirgaxan oo uu ka sheegay garsoorihii dhex-dhexaadinayay ciyaartii ay 2-1 ku lumiyeen dhinaca Man City.

“Ma yaabani. Mana dhihi karo wax ka baxsan intaas,” ayuu yiri Jose. “Markii aan dhugtay falcelintiisa, waxaan arkay inaysan dhibba ku ahayn.”

“Haddii badi macalimiintu xakameyn karaan dareenkooda iyo xamaasadooda, aniga waxaan jeclahay inaan si lamid ah farxadayda u muujiyo caradayda. Taas waa wadada kaliya ee aan ku gaar ahay marka la joogo xifaaltanka kubadda cagta.”

United-ka ayaa gegida Old Trafford kusoo dhaweynaysa maalinta Boxing Day-ga kooxda uu hoggaamiyo macalinkii hore ee David Moyes – Sunderland kaas oo dib ugu soo laabanaya garoonka taniyo markii laga eryay shaqada kooxda bishii April 2014.

Mourinho ayaa shucuurtiisa u muujiyay macalin Moyes iyo sidoo kale macalin Alan Pardew oo dhawaan laga eryay kooxda Crystal Palace.

“Waxay ila tahay in Moyes uu jidkiisa horay u qaatay, Pardew isna waxaan filayaa inuu wadadiisa qabsado,” ayuu yiri Mourinho.

“Macalin kasta waa inuu maraa jidkan. Mar waa in lagu soo dhaweystaa: marna waa in lagu yiraahdaa iska tag. Waana waxa kubadda cagtu ka kooban tahay. Anigana sidoo kale ayaan ahay.”

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan