Home / Habka-Nolosha / Mourinho: “Maalin un Pogba wuu noqonayaa kabtanka United-ka”

Mourinho: “Maalin un Pogba wuu noqonayaa kabtanka United-ka”

Muqdisho – Macalinka kooxda Man United, Jose Mourinho ayaa rumeysan in Pogba uu noqonayo kabtanka naadiga mustaqbalka dhow.

Pogba, oo ah laacibka heysta saxiixa ugu qaalisan dunida, ayaa lasoo if-baxay dardar culus kadib ban-dhig aan lala dhicin oo uu kula kowsaday kooxdiisa. Macalin Mourinho ayaana dareensan in 23-jirkan leeyahay dhamaan sifoonyinka kabtannimo ee kooxda.

“Da’yarnimadiisa iyo tayadiisaba waxay ila tahay inay u horseedi karto noqoshada kabtanka kooxda,” ayuu yiri Mourinho.

Pogba ayaa lagu dhaleeceeyey sida uu ula kowsaday ol’olaha  horyaalka EnglandPL, hayeeshe wuxuu awooday inuu kubadda la fahmo lana qaabeeyo gooldhaliye Zlatan Ibrahimouvic.

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan