Muqdisho – Mourinho ayaa laacibiinta kooxdiisa United-ka ku niyad-gelinaya inay hankooda sare u qaadaan kulanka ay la yeelanayaan Liverpool, Axadda soo socota.
Hadalkan ayuu yiri kadib markii kooxdu 2-0 goolal ay dhaliyeen laacibyada Juan Mata iyo Marouane Fellaini United-ka u sahashay inay kaga adkaadaan Hull City ciyaar katirsaneyd EFL Cup.
Macalinka Reds ayaa sheegay in qof kasta uu isagu kamid yahay uu sameeyo bandhig fiican ciyaarta soos socota oo ay la yeelan doonaan kooxda Liverpool.
“Aniga, ciyaartoyda iyo taageerayaashuba waa inay si fiican ugu diyaar garoobaan kulanka Axadda,” ayuu yiri Mourinho.
“Axadda waa kulan gaar u ah United-ka, gaar noo ah innaga, gaar u ah taageerayaasha: marka yeermadeydu waxay tahay ha iska imaanin masraxa, u imow inaad nala ciyaarto.”
Daqiiqaddii 56-aad ee ciyaarta ayaa Mata uu dhigay shabaqa goolkiisa koobaad, Fellaini ayaana kiisii labaad madaxa ku dhaliyay gabagabadii ciyaarta.
War-saxaafadeedkiisa ayuu sidoo kale ku amaanay ban-dhigga uu sameeyey Marouane Fellaini.
Ugu danbeyntina wuxuu xusay heshiiska laacibka Morgan Schneiderlin in la isku raacay. Wuxuuse sheegay inuu ka xun yahay tagistiisa.