Himilo – Jose Mourinho, tababaraha kooxda Tottenham ayaa rumeysan in kooxda u baahan tahay inay soo qaadato xiddig weerarka kaga ciyaara kahor inta uusan xirmin suuqa isniinta ina soo aadan.
Spurs ayaa lala xiriirinayay inay u dhaqaaqdo saxiixa xiddigaha Josh King ee Bournemouth, Arkadiusz Milik ee u ciyaara Napoli iyo Andrea Belotti oo ka xamaasha Torino, balse Mourinho ayaa xaqiijiyay in kooxdu u baahan tahay laacib baritaara Kane.
Harry Kane, waa weeraryahanka kaliya ee la aqoonsan yahay ee u ciyaara kooxda Tottenham xilli ciyaareedkaan.