Home / Dhaqaale / Mozambique: 30 kun oo shaqaale aan jirin oo mushaar qaadanayay 3 sanno

Mozambique: 30 kun oo shaqaale aan jirin oo mushaar qaadanayay 3 sanno

Himilo FM – Dowladda Mozambique ayaa shaacisay inay aqoonsatay 30 Kun oo magacyo qofeed ah oo aan jirin islamarkaana loo diiwaan geliyay inay kamid yihiin shaqaalaha rayidka ah ee dalkaasi intii u dhaxaysay sanadihii 2015 iyo 2017.

Waxaa dowladda uga baxday shaqaalahaasi aan jirin lacag dhan 250 milyan oo doolar, waxayna arrintan walaac badan ku abuurtay xukuumadda oo sameynaysa  baaritaano dheeraad ah.

Dadka qaar ee ku jira diiwaanka shaqaalaha dowladda ayaa ah kuwa jira laakiin waxay lacag ku qaateen shaqooyin aysan qaban halka kuwa badan noqdeen dad dhintay.

Wasiirka wasaaradda arrimaha rayidka dalkaasi Carmelita Namashulua ayaa sheegay inay dowladda ku guuleysatay inay soo saarto waxa uu ugu yeeray “shaqaalaha reer aakhiraadka” ee aan jirin.

Baaritaanka lagu oggaaday arrintan waxa uu ahaa mid lagu qiimeynayay tayada iyo waxqabadka shaqaalaha dalkaasi oo kaalinta 153aad ka jooga liiska dalalka ugu musuqa badan caalamka .

Waxaa la baaray 348 Kun oo shaqaale dowladeed ah hase ahaatee waxaa la xaqiijiyay inay 30 Kun oo kamid ah yihiin shaqaale aanan jirin oo mushaari ahaa muddo 3 sanno ah.

Inkastoo wadarta wax soo saarka gudaha ee GDP-ga dalkaasi uu saro u kacay iyadoo loo tiirinayo maal-geshiga ajnabiga iyo dalxiiska haddana waxaa lagu tiriyaa dalka kamid ah dalalka ugu saboolsan caalamka.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan