Home / Macluumaad / Muddo intee la’eg ayaad sugi lahayd si aad u noqoto Milyaneer?

Muddo intee la’eg ayaad sugi lahayd si aad u noqoto Milyaneer?

Himilo – Weydiintaan ayaa waxaa ka warcelinaya qoys kasoo jeeda Ireland. Muddo 25-sanno ah ayey tijaabinayeen nasiibkooda si ay u helaan 6.4-milyan oo doolar.

Aabaha qoyskan ayaa u sheegay shirkadda maamusha bakhtiyaanasiibka, in markii ugu horreysay uu shaacinta bakhtiyaanasiibkiisa ka arkay warside kasoo baxa gudaha.

“Waxaan tijaabineynayay nasiibkeyga muddo 25-sanno ah, anniga oo ku sugan dukaan ayaan goob hal meyl ii jirta waxaan ka arkay jaraa’idka markaas oo aan ogaaday inaan ku guuleystay lacag ka badan 5-milyan” ayuu yiri Aabaha.

Markiiba waxa uu aaday gurigiisa, isaga oo ku wargaliyay qoyskiisa. Waxa uu xusay in qoyskiisu wajahayeen xaalad adag oo dhinaca dhaqaalaha ah.

“Kuma deg degi doono markiiba inaan sameyno kharash bixin aanan laga fiirsan sida inaan gadano gawaari, waxaanse aadi doonaa koontooyinkeena bankiga ee gaarka ah si aan isaga bixinno amaahda nalagu leeyahay” ayuu ku gabagabeeyay hadalkiisa Aabahaan magaciisa la qariyay.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan