Himilo – S i la mid ah gobolada dalka dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho waxay maalintii koowaad u dabbaal degayaan munaasabadda Ciidul Adxa.
Saaka waxaa lagu waabariistay aroor ka duwan kuwii hore; masaajidka ayaa laga qaadayay takbiirka. guryaha xilli hore ayaa laga soo toosay hurdada.
Goobaha macmacaanka lagu iibiyo ayaa weli soo dhaweynaya dadka wax ka gadanaya. Ganacsatada ayaa isku hawlaya inay badeecada inta u hartay beec u helaan.
Dadweynaha ayaa is booqanaya. Gaadiidka dadweynaha sida mootooyinka iyo basaska ayaa helaya macaamiil iyo dalab uga imaanaya bulshada.
Xarumaha dalxiiska ee magaalada ayaa dhankooda qaabilaya dadweyne da’ walba leh oo doonaya inay wakhti iyo nasasho ku qaataan maalintooda.
Marka laga tago dadka damaashaadka ku jira waxaa jira qoysas barakac ah oo ku nool xeryo ku yaalla Muqdisho oo ku ciidaya duruufo adag oo nololeed.