Himilo – Cagaarshowgu waa mushkilad caafimaad oo ay wajahayaan bulsha weynta dunida, si la mid ah xanuunnada kale ee aanan lagu guulleysan in laga cirribtiro caalamka.
Inkasta oo uu leeyahay illaa shan nooc oo kala ah A, B, C, D iyo E, haddana Noocyada labaad iyo seddaxaad waa kuwa raagga oo uu qofka la noolaan karo inta uu nool yahay.
Waxaa sanad weliba qaada 325 milyan oo ruux oo ku nool caalamka, waana tiro ka badan inta uu ku dhaco xanuunka dillaagga ah ee HIV/AIDSka, halkaa maalinkii ay u geeriyoodaan in ka badan 3600 qof.
Si gaar ah Nooca B oo ah kan ugu badan oo ay dadku qaadaan, waxaa sanadkii ugu dhinta dunida 1.5 milyan oo ruux, 200,000 oo ka mid ah waxaa kiisaskooda laga diiwaan geliyaa Africa, sida lagu xusay warbixinta WHO ee soo baxday sanadkii 2019-kii.
Inkasta oo noocan yahay mid laga hortagi karo lana dawen karo, haddana nasiib darro sanad weliba wuxuu asiibaa 60 milyan oo afrikaan ah, dadkaasi ma helaan daryeelka iyo dawada ay u baahan yihiin. Kaliya mid ka mid ah tobankii ruux ee ku nool qaaradda ayaa hela baaritaanka iyo daweynta Cagaarshowga.
Qaar ka mid ah dadkaasi waxey ku nool yihiin dalkeenna oo aanan la ogeyn inta ay la’eg tahay tiradA dadka la nool xanuunka cagaarshowga marka laga reebo daraasadaha qaarkood oo sheega in dadka ugu badan ee qaada ay yihiin carRuurta da’doodu ka yar tahay 12-ka sano.
Mar kalena daraasaduhu waxey sheegaan in dalku ka mid yahay wadamada Africa oo ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee la nool cagaarshowga noociisa labaad.
Cunnada iyo biyaha aanan tayadooda inta ay la eg tahay laga warheyn oo lagu daray taxadar la’aanta haysata bulshada, waa qaar ka mid ah waxyaabaha u nugleeyay qaadista xanuunka, sida ay qabaan dhaqaatiirta la tacaasha cudurrada ku dhaca Beerka.
Si loo xoojiyo wacyiga bulshada ee cudurkan ayay isbitaalada ku yaalla Muqdisho waxey 23-kii bishan billaabeen ol’ole dadka looga baarayay cudurka cagaarshowga sidoo kale loogu sheegay macluumaad ku saabsan xannuunka.
Xarumaha caafimaad qaarkood ayaa ugu yaboohay dadka baarista Cagaarshowga oo bilaasha.
Qof laga helo ayey kula taliyaan una sheegaa hababka uu ula tacaali karo, kan kale ee xanuunka ka badnaadana, qaadashada tallaalka ayaa lagu booriyay iyagoo dad badan laga caawiyay si bilaash ah.
Waxaa loo sheegaa kuwa booqda waxa uu yahay cudurka, sida uu ku faafo iyo inta ay la’eg tahay halistiisa.
Waxaase xaqiiq ah in inta heli karta kana faa’iideysan kara fursadhaasi ay yar yihiin marka lagu dhereriyo kuwa ka badan ee joogga magaalooyinka kale ee dalka oo aysan fursadaasi jirin.
Marka laga yimaado isbitaaladaasi is xilsaaray ma jiraan wacyigelinno intaasi ka xooggan oo ay helaan bulshadeenna oo ah kuwa u nugul qaadista xanuunka, waase hubaal in loo baahan yahay wacyigelin intaasi ka balaaran oo wada gaarta, gobolka iyo degaan weliba oo ay ku nool yihiin dadkeenna.