Home / Habka-Nolosha / Muqdisho United oo cagta marisay dhigeeda Somali Fruit

Muqdisho United oo cagta marisay dhigeeda Somali Fruit

Kooxaha kubadda cagta Muqdisho United iyo Somali Fruit ayaa wada cayaaray kulankii u horeeyay ee dib u bilowga horyaalka heerka labaad ee dalkeena.

Cayaarta oo ka dhacday gegada Banaadir Stadium ayaa durba weerar iyo weerar celis ku bilaabatay, iyadoo labada kooxood ay wada doonayeen inay goolal dhaliyaan.

Daqiiqaddii saddexaad ee cayaartaba hogaanka waxaa qabatay kooxda Muqdisho United oo goolkeeda koowaad ka heshay wiilka lanbarka labaad u xirta C.Laahi Maxamed Cumar.

Daqiiqaddii 30aad goolkeedii labaad ayay la timid kooxda Muqdisho United oo ka yara fursad wacneyd dhigeeda Somali Fruit, goolkana waxaa u dhaliyay wiilka lanbarka 19aad u xirta Cali Maxamed Awow.

Awow ayaa goolkiisii labaad iyo kii saddexaad ee kooxdiisa shan daqiiqo kaddib shabaqa dhex dhigay markii gool ku laad loo dhigay uu gool u rogay.

Qeybtii koowaad ee cayaarta ayaana lagu kala maray kooxda Muqdisho United oo hogaanka ku sidata 3-0.

Qeybtii labaad daqiiqaddii lixaad oo dhanka kale u dhiganta daqiiqaddii 51aad ee cayaarta Maxamed Cusmaan Ciise ayaa goolka calanka u dhaliyay kooxda Somali Fruit.

Kulan cayaareedka ayaana waqtigii loogu talo galay kusoo idlaaday 3-1 oo guushu ay ku raacday Muqdisho United.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan