Himilo – Xeebta Jasiira marka laga tago in loo dal-xiis iyo tamashle tago, geesta kale, waxay goob shaqo u tahay xoogsada Cusbada ka soo saaraha biyaha dhanaan ee badda ka go’an ee ay fariisiyaan.
Muruq-maalka ku shaqo taga waxay qabtaan hawl adag oo aysan dadku u wada babac dhigi Karin taas oo u baahan dedaal iyo Samir hadana kama helaan macaash u dhigta waxqabadkooda.
Madaalka cusbada ah waxay siistaan wax ka yar nus doollar. Waxay ka cabanayaan suuq xumo haysata oo sababtay inay qaarkood hawsha oo ay wadeen tobanaan sano inay joojiyaan iyagoo aan haysan beddel kale oo shaqo.
Waxyaabaha kale ee hoos u dhigay wax soo saarkooda waxaa ka mid ah isbeddelka cimilada, xilliyadii cusbada la qodi jiray ayaa isbeddelay, tani waxay u horseeday inay qasaaraan.
Biyaha cusbada laga fariiso marka qeyb qeyb loo kala xiro waxay u baahan yihiin muddo inay helaan qorrax. balse xoogsada ayaa sheegay in bilihii cadceeda ay isku beddeleen bilo roobaad.
Awoodda cusbo soo saaridda ee xoogsada Jasiira ayaa aad isku dhintan. Muruq-maalka weli shaqan sii wada waxay ka cabsi qabaan inaysan sii wadi Karin mustaqbalka shaqadooda.