Home / Cayaaro / Musharixiinta u taagan abaalmarinta xiddiga sannadka Afrika oo la shaaciyay

Musharixiinta u taagan abaalmarinta xiddiga sannadka Afrika oo la shaaciyay


Himilo FM – Maxamed Saalax, Sadio Mane iyo Pierre-Emerick Aubameyang ayaa mar kale isugu soo haray abaalmarinta xiriirka kubadda cagta Afrika ee (CAF), sannadkii labaad ayayna u tartamayaan seddexdan xiddig abaalmarinta shaqsiga sannadka ee laacibka ugu wanaagsan qaaradda Africa.

Saalax ayaa ku guuleystay abaalmarinta sannadkii hore, waxaana uu noqon doonaa midka ugu fiican ee mar kale ku guuleysta kaddib markii uu xilli ciyaareed kale oo guuleystay la qaatay Liverpool.

Laacibka Masaarida ayaa rajeynaya in uu noqdo ciyaaryahankii afaraad ee ku guuleysta laba jeer oo oo xiriir ah, waxaana kaga horreeyay oo sidaa horey u sameeyay weeraryahanka reer Senegal El Hadji Diouf, weeraryahanka Cameroon, Samuel Eto’o iyo Yaya Toure.

Saalax oo dhawaan ku guuleystay abaalmarinta shaqsiga sannadka ee BBC-da ayaa loo badinayaa in uu hanto abaalmarintan.

Waxaa sidoo kale la shaaciyay liiska dumarka, waxaa ku jira ciyaaryahanada Asisat Oshoala, Francisca Ordega, iyo Thembi Kgatlana oo u dhalatay Koonfur Afrika.

Oshoala ayaa ku guuleysatay labadii sanno ee ugu danbeysay abaalmarintan, Ordega ayaa ka caawisay Super Falcons in ay ku guuleystaan koobka dumarka qarammada Afrika ee 2018.

Ragga u sharraxan abaalmarinta sannadka.

Pierre-Emerick Aubameyang (Gabon)

Sadio Mane (Senegal)

Mohamed Salah (Egypt)

Dumarka u sharraxan abaalmarinta sannadka

Thembi Kgatlana (Koonfur Afrika)

Francisca Ordega (Nigeria)

Asisat Oshoala (Nigeria)

Guulaystaha waxaa lagu shaacin doonaa xaflad lagu qabanayo Dakar, Senegal, Janaayo 8, 2019.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan