Home / Habka-Nolosha / Musiibadii 14-ka Oktobar – Wixii dhacay waa laga soo kabanayaa!

Musiibadii 14-ka Oktobar – Wixii dhacay waa laga soo kabanayaa!

Muqdisho – Waxaa laga joogaa labo sanno markii tiro ka badan 500 oo Soomaali ah ay ku dhinteen qarax lagu tilmaamay inuu ahaa midkii ugu weynaa ee qarniga 21aad ee ka dhaca dunida saddexaad.

Balse labo gu’ kaddib goobtani ma ahan sideedii hore muuqaal ahaan. Waxaa ka muuqdaa is-beddel xaga bilicda iyo degaan quruxsanaanta la saaxiibaya. Indhuhuna in badan kama naxayaan inay deymada ku xasiliyaan daawashada dhismayaasha quruxda badan. Jeedaalinta afarta jiho ee is-goyska 14-ka October, waxaa kaaga baxaya labo sawir oo ugu yaraan isku soo dhawaanaya.

Mid u taagan horu-socod iyo dhiirranaan nololeed oo shacbiga caasimadda Muqdisho ku nool ay uga fal-celinayaan musiibooyinka ku dhaca iyo sawir maskaxeed aan tirmin oo u taagan xusuusta nolosha dadkii qiimaha lahaa oo maanta oo kale ifka nagu dhaafay – kaas oo mar kasta oo aad isasoo taagto halkan ku gelinaya gocasho qaraar.

Barta is-goyska 14-ka October oo ah halka ay musiibadani ka dhacday waxaa laga taagay taallo loogu magac-daray 14-ka Oktoobar si loo muujiyo baaxadda wixii goobta ka dhacay sannad kahor. Hayeeshe, dhismaha Taalladani waxay hal dhinac ka istaagaysaa xusuusta xanuunkii ay laheyd tiiraanyada mashaqadii maalintaas dhacday oo kaliya, sida dad badan ay la tahay.

Labo sanno kaddib farxadda, rajada iyo riyooyinka ay ku nool yihiin qaraabada dadkii ku baxay musiibada wali waxay ku jirtaa soo kabsasho. 24 billood oo waagu ugu soo baxay arooryo aysan la waabariisan dadkii ka baxay, maanta waxay ku wada qanceen qaddarta.  Waxayna ku jiraan halgan hor leh iyo qorsheynta mustaqbal bilaa walaal, waalid iyo widaay ah.  Kuwa iilka ku hubsaday meydadkii loo helay iyo kuwa aan helin raqda dadkii qaraxa uga dhintay, waxay ugu danbeyn maanta oo kale isku mid u dareemayaan xanuunka.

Wixii dhacay ma aheyn dhacdo oo kaliya. Waa musiibo qaran oo beddeshay nolosha qoysas badan oo innaga mida. Tirada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay waxaa ka danbeysa sheekooyin mahadho ku reebay ehelladii laga baxay. Gebigoodna waxay nolosha uga jireen kaalmo muhiim ah. Qaar waxay ahaayeen shumaca qura oo ifiya nolosha reerahooda; qaarna waxay ahaayeen ileys soo baxaya oo himilooyin qurux badan la nool.

Balse dhammaantood daqiiqad maanta oo kale kamid ah ayuu ku ekaaday safarka noloshooda. Waxa ayna taasi ay liifadda u gaabisay kuwii ay ka dhasheen.

Hayeeshe, qoysaskii laga dhintay waxay kusii socdaan inay u noolaadaan sidii shalay. Mana ahan soo kabsashadu midda laga dareemayo is-goyska 14-ka October oo kaliya. Haddii dhismayaasha cusub ee lagu beddelay kuwii burburay ay qaban karaan muuqaallada caalamka, gudaha qoysaskeenna la nool tiiraanyada, waxay iyaguna tusaale u noqon karaan heerka u-adkeysiga musiibooyinka oo umadda Soomaaliyeed lagu yaqaan. Waana cashar cusub oo ay muhiim tahay in dunidu naga barato.

In kasta oo aan la saadaalin Karin haddii mid lamida ama ka daran musiibadii 14-ka Oktoobar ay dhici doonto iyo in kale, waxaa iska cad in bulshadeennu ay nolosha ku qaabili karaan weji walba oo ay ula timaado. Waxayna taasi ugu bareerayaan dhiirranaan iyo dulqaad si ay u xaqiijiyaan.

Waase dowladda dhexe midda mustaqbal hubaal leh u abuuri karta nolosha carruurta iyo ehellada dadkii dhintay.

Si la iskugu dheelli-tiro nolosha dhibanayaasha maanta oo kale la weyneeyo dadkii uga dhintay qaraxa, waxaa lama huraan in qoys walba qofkii ka baxay beddelkiisa loogu shaqaaleysiiyo qofka kale oo la dhashay ama maal-gelin maaliyadeed loo fidiyo si ay usoo kabsadaan nolol ahaan.

Haddiise wax-barasho oo kaliya la siiyo agoomada – iyada oo aan aabayaashii waayay ilmahooda loo sameynin nolol isku filnaansho leh – dowladeennu waxay diiradda saaraysa dhisidda mustaqbal ku dhisan jiilka soo socda; iyada oo aan daryeelkii loo baahnaa u fidin jiilka maanta nool.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan