Home / Macluumaad / Muslim aashito lagu soo weeraray oo aan dib danbe wax u arki doonin.

Muslim aashito lagu soo weeraray oo aan dib danbe wax u arki doonin.

London  – Muslim cunna-geeye ah ayaa nolosha la halgamaya kadib markii weerar aashito ah uu laba indhood wax-yeelo kasoo gaarsiiyay.

Marka loo eego  Independent, laba qof ayaa kusoo dhawaaday Muhammed Nawshad Kamal, oo 32 jir ah, isaga oo maraya xaafadda Walthamstow area ee bariga London. Labada nin oo mid kamid la xiray in yar kadib ayaa isku dayay inuu xado baaskiilkiisa – kahor inta uusan ku shubin aashito.

“Dhaawacu wuxuu si ba’an u wax-yeelay labadiisa indhood,” ayuu yiri sarkaal booliska katirsan. “Kani wuxuu ahaa qof aan waxba galabsan oo shaqadiisa u socday. Mana aqaan haddii dib danbe wax u arki doono iyo in kale.”

Metro Police ayaa sheegay inay diiwaan-geliyeen ku dhawaad 1,260 kiisas ka dhan ah tirayarta ku nool UK. Magaalada London waxaa sidoo kale sanadkan ka dhacay weeraro aashito loo adeegsaday.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan