Home / Macluumaad / Muslimad xirashada xijaab awgiis loogu diiday shaqo ay kusoo baxday tijaabadeeda.

Muslimad xirashada xijaab awgiis loogu diiday shaqo ay kusoo baxday tijaabadeeda.

Muqdisho – Muslimad ku nool magaalada Patna, dalka India, waxaa xijaabka ay xiran tahay awgeed loogu diiday shaqo ay doonaysay xarunta lagu daryeelo aqoonta Delhi.

“Waxaan ka xumahay inaan ku ogeysiiyo in meel dheer ka aragaaga uu ka turjumayo diintaada aad rumeysan tahay,” Harish Varma, madax-weynaha xarunta Delhi Orphanage ee gabdhaha lagu daryeelo ayaa kusoo qoray bartiisa.

Nedal Zoya, oo marqaatiga labaad ka qaadatay Tata Institute of Social Sciences (TISS) waxay codsi shaqo ka doonatay xarumaha adeegga bulshada.

Tiiyoo ay kusoo baxday tijaabada laga qaaday, Zoya waxaa loo sheegay in xijaabkeedu uu caqabad ku yahay shaqadeeda halkan oo aan laga ogoleyn astaan diimeed.

Gabadhan Muslimadda ah oo kol hore sidan oo kale shaqada loogu diiday xijaabkeeda awgiis, ayaa ki war-celisay in astaan diimeedkeeda ah xirashada xijaabka uu wax kasta uga muhiimsan yahay.

Ka war-celinta eedeymaha laga muujiyay diidisteeda, Varma wuxuu sheegay in falkani uusan ka dhignayn naceyb iyo takoor – balse uu yahay mid lagu ilaalinayo dhaqanka iskuulka oo aan laga aqbalin astaamaha diimeed xittaa middiisa Hinduska oo uu rumeysan yahay.

Muslimiinta ayaa xirashada xijaabka u arka hab labiseed sharci ah mana uga dhigna astaan diimeed muujinaysa gaaroobid.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan