Himilo – Ku dhawaad laba boqol oo sanno kaddib, maslimiinta ku nool caasimadda Giriigga ee Athens ayaa markii ugu horreeysay helay masjid rasmi ah oo ay ku oogaan salaadaha waajibka ah.
Xayiraadda coronavirus darteed, tiro yar oo muslimiin ah oo xiran gafuur xir, illaalinaya hanaanka kala fogaanshiyaha ayaa ku oogay salaaddii jimcaha, balse wuu xirnaan doonaan masjidka illaa 30-ka bishan.
“Waa taariikh usoo hoyatay bulshada muslimiinta ah ee ku nool Athens, waxaan muddo sugeynay masjidkan” Heidar Ashir oo ka mid ah golaha masjidka cusub ayaa sidaasi yiri, isaga oo sii raaciyay “Waxey mahad dhami u sugnaatay Eebbe wayne, hadda waxaan helnay masjid aan salaadaha ugu oogi karno si xor ah”.
Marka laga soo tago farxadda ah in muslimiintu heleen masjid rasmi ah oo ay ku dukan karaan, Haddana Muslimiinta qaar ayaa dhaliilsan naqshaddiisa aan waafaqsaneen masaajidda kale maadaama uusan lahayn minaarad.
Magalaada Athens oo ay ku nool yihiin boqolaal kun oo muslimiin ah ma lahayn wax masjid rasmi ah wixii ka danbeeyay sanadkii 1833-kii, markaas oo ay isaga baxeen ciidamada dowladdii Cusmaaniyiinta.
Qorshaha masjid looga dhisayana waxa uu billaawday sanadkii 1890, balse waxaa jillaafeeyay mucaaradad iyo dhaqaalo xumaddii tobanka sano jiitameysay ee ku habsatay Giriigga. 200 oo sanno kaddib dowladda Giriigga, ayaa hadda masjid rasmi ah u dhistay muslimiinta ku nool dalkeeda.