Himilo – Muslimiinta ku nool dalka Mareykanka waxay sheegeen inay farxad iyo wanaag badan ku dareemayaan furnaanshaha masaajidda ee bisha barakaysan.
Sannadkii hore xilligan oo kale albaabada masaajiddaa ayaa u xirnaa cudurka Karoona oo markaas aad ugu faafayay gobolada waddan weynaha Mareykanka.
Balse nasiib wanaag tirada uu ku dhacayo ayaa soo hoos u dhacday hadda dhammaan dal iyadoo geesta kale malaayiin qof ay qaadanayaan tallaalka COVID-19 looga hortago.
“Ramadaan weli wax yar ayay ka duwan tahay sidii karoona ka hor. Xitaa adoo xiran af-saab, iyadoo la xadidayo tirada dadka imaanaya masjidka. Weli waa deeq alle.” Sidaa waxaa yiri Amir Maxamed.
“Dadku waxay aad ugu faraxsan yihiin furnaanshaha masjidka. Waxay siineysaa fursad ay isku arki karaan oo ay ku wada tukan karaan.” Imaamka Dar Al-Hijrah ayaa sidaas sheegay.
Muslimiinta ku dhaqan mareykanka ayaa loogu baaqay inay alle uga mahad celiyaan fursadan ay heleen, bisha Ramadaanna ay u arkaan rajada uu ku dhammaan karo Karoona.