Home / Macluumaad / Muslimiinta Malawi oo helay turjumada Qur’anka oo ku dhigan afkooda

Muslimiinta Malawi oo helay turjumada Qur’anka oo ku dhigan afkooda

Lilongwe – Muslimiinta ku nool dalka Malawi ayaa u dabaal-degay tarjumadii ugu horreysay ee Qur’anka oo ku qoran afkooda Yao – af badi looga hadlo dalkaas iyo dalalka ku hareersan.
“Waan ognahay in Qur’anku ku yimid af Carbeed, qof kastana mawada fahmi karo; waxaase farxad inoo ah inaan turjumadiisa ku fahamno afkeenna Yao,” Alhaji Twaibu Lawe, xog-haya ururka midnimada Muslimiinta ee Malawi ‘MAM’ ayaa u sheegay warfidiyeenka.
Lawe ayaa xusay in turjumada Qur’anka ee afka Yao ay sidoo kale ka faa’iideysan doonaan dalalka deriska ah sida Mozambique, Tanzania, Zambia iyo Zimbabwe.
Wuxuu qiyaasay in 70% Muslimiinta ku nool Malawi ay ku hadlaan afka Yao taasina ay sahlayso inay Qur’anka macaanidiisa fahmi karaan.
Wuxuu sidoo kale hubsaday inay qorsheynayaan turjumada Qur’anka oo ku qoran afafka Lomwe, Sena iyo Tumbuka.
Islaamka ayaa ah diinta labaad ee ugu weyn dalka Malawi oo ku fadhisa 40% kadib Kirishtaanka.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan