Himilo – Helidda agabka caafimaad waa caqabadda ugu wayn oo ay wajahayaan waqtigan bulshooyinka caalamka gaar ahaan kuwa Mareykanka.
Dadka hooy la’aanta ee ku nool hareeraha wadooyinka ayaa baahida ugu badan dareemaya, balse markan waxey helayaan caawinaadda ay u baahan yihiin.
Koox muslimiin ah oo ku nool Mareykanka, ayaa gaarsiinaya 100,000 oo af-saab ah kuwooda ku nool San Diego, Los Angeles, iyo San Francisco, si ay kaga badbaadaan feyruska Karona.
“Qof waliba waxa uu u qalmaa inuu helo fursad uu ku badbaadi karo, waana inaan wax u sameeynaa bulshadeena qeybta ugu nugul” Omar Qudrat oo hormuud ka ah hawshan, ayaa sidaasi u sheegay warsidaha San Diego Union Tribune.
Labadii bil ee aanu kasoo gudbnay, ku dhawaad 30-kun oo ruux ayaa ka faa’iideystay ololahan lagu caawinayo dadka aanan iibsan karin Af-saabka.
Laba amaba todobaad gudihii ayey qorsheynayaan muslimiinta ku bahoobay isbaheysiga muslimiin Mareykanka ee MCA, inay gacantoodu gaarto 40,000 oo ruux. Waxaa ficilkooda uu astaan u yahay caawinaadda ay Muslimiinta ku nool dalkaasi u sameyn karaan bulshada ay la nool yihiin inta lagu jira xaaladan caafimaad ee adag.