Muslimiinta Mareykanka oo Af-saab ku caawinaya dadka hooy la’aanta ah

Himilo – Helidda agabka caafimaad waa caqabadda ugu wayn oo ay wajahayaan waqtigan bulshooyinka caalamka gaar ahaan kuwa Mareykanka.

Dadka hooy la’aanta ee ku nool hareeraha wadooyinka ayaa baahida ugu badan dareemaya, balse markan waxey helayaan caawinaadda ay u baahan yihiin.

Koox muslimiin ah oo ku nool Mareykanka, ayaa gaarsiinaya 100,000 oo af-saab ah kuwooda ku nool San Diego, Los Angeles, iyo San Francisco, si ay kaga badbaadaan feyruska Karona.

“Qof waliba waxa uu u qalmaa inuu helo fursad uu ku badbaadi karo, waana inaan wax u sameeynaa bulshadeena qeybta ugu nugul” Omar Qudrat oo hormuud ka ah hawshan, ayaa sidaasi u sheegay warsidaha San Diego Union Tribune.

Labadii bil ee aanu kasoo gudbnay, ku dhawaad 30-kun oo ruux ayaa ka faa’iideystay ololahan lagu caawinayo dadka aanan iibsan karin Af-saabka.

Laba amaba todobaad gudihii ayey qorsheynayaan muslimiinta ku bahoobay isbaheysiga muslimiin Mareykanka ee MCA, inay gacantoodu gaarto 40,000 oo ruux. Waxaa ficilkooda uu astaan u yahay caawinaadda ay Muslimiinta ku nool dalkaasi u sameyn karaan bulshada ay la nool yihiin inta lagu jira xaaladan caafimaad ee adag.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan