Muqdisho – Ku jiritaanka xilliga adag, Muslimiinta ku nool degmada Buffalo ee New York ayaa wada-hadal iyo dood ku aadan Islaamka iyo aragtida laga qabo la sameynaya dadka la degan – dadaal lagu doonayo in lagu naqdiyo aragtida siyaasadeed ee Donald Trump ka qabo Muslimiinta.
Tani waxay imaanaysaa markii madaxweyne Trump uu 7 dal oo Muslimiin ah ka mamnuucay in muwaadiniintoodu soo galaan Maraykanka.
“Tani xaqiiqdii waa waqti adag. Waa waaya’aragnimo xanuun badan oo ay marayaan Muslimiinta ku nool US iyo kuwa soo-galootiga ah,” ayuu yiri Bayram Arman, oo ah Muslim dalka Turkiga kaga yimid Maraykanka 30 sano kahor.
Aram iyo asxaabtiisa kala tirsan guddiga bulshada Muslimka ee Buffalo ayaa helaya waqti ay kula wadaagaan aragtidooda, kuna saxaan fiirada qaldan ee siyaasadda Trump ka gudbinayso diinta Islaamka dadka an Muslimiinta ahayn ee la nool.
Dr. Khalid Qazi, oo hoggaamiya guddiga arrimaha Muslimiinta ayaa tilmaamay walaaca ay ku heyso kororka neecawda culus ee siyaasadda madaxweyne Trump taas oo uu ku mamnuucay 7 dal oo Muslimiin ah inay muwaadiniintoodu soo galaan Maraykanka.
“Wax walba oo muuqdaba waa in tani ay xagal-daacinayso xuriyadda Maraykanka iyada oo kahor imaanaysa dastuurka dalkeenna,” ayuu yiri Qazi.
Bartamaha cabsida isasoo taraysa ee ay qabaan Muslimiinta US, falkan oo kale oo ah inay wada-hadlaan Muslimiinta iyo kuwa aan ahayn ee Maraykanka ku wada nool waxay abuuraysaa jawi is faham iyo iskaashi, sida uu aaminsan yahay Claude Welck oo aqoon-yahan howl-gab noqday ah.
“Waxa ugu horreeya oo aan ogaaneyno ayaa ah in Muslimiinta halkan jooga ay dalka ku yimaadeen xurriyad siyaasadeed, mid diimeed iyo mid la xiriirta fursado dhaqaaleed,” ayuu yiri Welck oo ahaan jiray bunni dhiga culuumta siyaasadda.
“Muslimiinteenna halkan ku nool waxay tusaale u yihiin kuwa kale ee dunida ku nool waayo waxay u halgamayaan xuriyaddooda diimeed iyo middooda nololeedba,” ayuu sii raaciyay Welck.
Qazi ayaase naawilaya in howshan oo kale ay noqoto mid joogto ah oo ay Muslimiinta kale ee Maraykanka ku dhaqaaqaan.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.