Home / Macluumaad / Muwaadin British ah oo saacad iyo bar kaddib laga soo saaray Jiim ogaal la’aan loogu qufulay

Muwaadin British ah oo saacad iyo bar kaddib laga soo saaray Jiim ogaal la’aan loogu qufulay

Saacaddu kolka ay aheyd 4:26pm oo galabnimo booliska ayaa gaaray xarunta mid kamid ah goobaha jir dhiska oo ku yaal magaaladda bartankeeda si ay halkaa uga soo samato bixiyaan qof cabasho booliska soo gaarsiiyay oo goobta ku xanibnaa, waana saacad iyo bar kaddib kolkii goobta la xiray.

Manchester Evening News, ayaa soo xigatay mid kamid ah saraakiisha booliska oo qirtay in telefoonka gurmadka degdega uu soo wacay qof kuna wargeliyay inuu ku go’doonsan yahay xarunta jir dhiska oo dusha sare looga xiray.

Ninka booliska la xiriiray oo aan la xusin magaciisa, waa 35 jir, wuxuuna ku daahay meyrasho isagoo keliya ka war helay in xarunta jir dhiska la xiray isagoo gudaha ugu jira, wuxuuna doorbiday inuu garaaco lanbarka fudud ee 999 si boolisku u soo gaaraan.

Kormeere Phil Spurgeon oo booliska ka tirsan ayaa ka dhawaajiyay in booliska ay u dhaqaaqeen dhanka fure hayihii xarunta Gymka, si halkaa loo furo oo dibadda uu ugu soo baxo shaqsigii ku xanibnaa.
Mareegta Twitterka ayuuna sarkaalku ku soo qoray qoraal ay ku muujinayaan wicitaanka u yimid iyo shaqadii ay qabteen.

Qaar kamid ah dadka isticmaala mareegta bulsheed ee twitter ayaana siyaabo kala duwan uga soo hadlay arrintan, iyadoo mid kamid ah isticmaalayaasha aaladda uu soo qoray “Gym-keyga wuxuu furan yahay 24/7, shaqsigaan wuxuu u baahan yahay inuu jirdhiskeyga ku soo biiro, waayo laguma dhex xiri doono.”

Dad badan ayaa u aada goobaha jir dhiska si ay u qurxiyaan muuqaalkooda jireed, iyagoo qeyb kamid ah dadkaa ay miisaanka isaga ridaan halka qeybta kalena ay miisaan kororsi u tagaan.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan