Home / Habka-Nolosha / Muxuu ahaa dalabkii layaabka lahaa ee uu jeediyay maxbuus Mareykan ah?

Muxuu ahaa dalabkii layaabka lahaa ee uu jeediyay maxbuus Mareykan ah?

Himilo – Inta badan, maxaabiista Mareykanka ayaa la weydiiyaa dalabkooda kahor inta aan la toogan iyadoo ujeedka yahay in lagu qiimeeyo bini’aadamka lagana jawaabo codsigiisa ugu danbeeya.

Gobolka Florida ee Mareykanka ayaa dhigay rikoor markii uu maxbuus ka aqbalay codsi layaab leh oo ahaa kii ugu danbeeyay ee noloshiisa.

Sida uu qoray wargeyska Mirror, Taylor oo lagu helay fal danbiyeed dil ah ayaa ka codsaday maamulka xabsiga diggaag la shiilay iyo hilib taasi oo noqotay mid aysan ku dhiiran maxaabiis badan oo la marsiiyay wadada toogashada.

Mr Taylor ayaa dalbaday kahor toogashadiisa cunto ku fadhisa qiimo badan. Inta badan maxaabiista ayaa codsan jiray cunto ku kaceysa 15 Doolar.

Waxa uu sidoo kale codsaday koob shaah ah oo uu ku cabay goob caan ah oo katirsan gobalka Florida. Askar iyo saraakiil badan ayaa layaab ka qaaday dhiiranaanta maxbuuska oo markii danbe la toogtay.

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan