Home / Cayaaro / Muxuu Cristiano Ronaldo ka yiri xiddiga Matthijs de Ligt

Muxuu Cristiano Ronaldo ka yiri xiddiga Matthijs de Ligt

Himilo FM –Weeraryahanka Juventus Cristiano Ronaldo ayaa talo  ka siiyay suuqa 19 jirka daafaca dambeedka middig Matthijs de Ligt.

De Ligt ayaa la hadlay Cristiano Ronaldo kaddib markii guuldarro Holland ay ka soo gaartay Portugal finalkii koobka Nations Leagueaxaddii.

Sida laga soo xigtay daafaca dhexe ee 19 jirka ah, weeraryahanka Juventus ayaa siiyay talo da ‘yarkan aadka loo qiimeeyo .

De Ligt ayaa waxaa isha ku haya koox kasta oo weyn oo Yurub ka dhisan sida Manchester United, Liverpool, Barcelona iyo Paris Saint-Germain oo ka mid ah kooxaha ugu cadcad saxiixiisa.

Juventus ayaa sidoo kale lala xiriirinayay daafaca, waxayna u muuqataa inay Ronaldo u adeegsanayso.

Isagoo la hadlayay NOS, De Ligt ayaa xaqiijiyay in Ronaldo uu kula taliyay  inuu ku biiro Juventus.

De Ligt ayaa u muuqda inuu ka tagayo Ajax xagaagan laakiin weli ma hubo halka uu u socdo.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan