Home Cayaaro Muxuu ka yiri Vidal rikoorkii Leo Messi

Muxuu ka yiri Vidal rikoorkii Leo Messi

0
14

Himilo – Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Inter isla markaana ahaa saaxiibkiisii hore ee Barcelona Arturo Vidal ayaa ugu hambalyeeyay Lionel Messi inuu barbareeyay rikoorkii abid ugu fiicnaa kooxda isagoo saftay 767 kulan.

Halyeeyga Blaugrana ayaa ku soo bilowday kulankii Huesca ee Camp Nou wuxuuna bar bareeyay rikoorkii abid ugu fiicnaa kooxda ee uu haysto kabtankiisii hore Xavi Hernandez

Vidal ayaa ka soo dhaqaaqay Barcelona kuna biiray Inter xagaagii la soo dhaafay wuxuuna farriin ugu diray ninka reer Argentina baraha bulshada.

“Rikoor kale, walaalkey,” ayuu Vidal ku qoray Twitter. “Leo Messi, waxaad tahay macalinka kubadda cagta, waxaad tahay kan ugu fiican, shisheeyaha, kan kaliya, midka saaxirka ah.

“Xaqiiqdii, waad sii wadi doontaa inaad jebiso rikoorro kale oo badan, waxaad tahay qof gaar ah. Ayuu sii raaciyay. ”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan