Muqdisho – Kulan xiisa badan oo ka tirsan koobka ugu cimriga dheer dalka ayaa galata waxa uu ka dhacay gigada Banaadir ex Koonis,ciyaartaan waxa ay dhex martay kooxda dhawaan usoo dalacday horyaalka ee Midnimo iyo naadiga sida goonida u taaba gelisa tartankaan ee Horseed.
Bilowga kulanka labada naadi ayaa soo bandhigay bandhig loo riyaaqay,hase yeeshee kooxahaan ayaa qeybtii hore ku kala nastay barbaro 0-0.
Markii dib la isugu soo laabtay kulanka qeybta labaad, Horseed ayaa wacdaro xooggan soo bandhigtay hase yeeshee kooxda uu hogaamiyo tababare Axmed Ismaaciil ee Midnimo ayaa taasi ka biyo diiday.
Dhammaadka kulanka naadiga Midnimo, waxaa karaka cas ka qaatay kabtanka kooxda,Ayman Maxamed Xuseen,laakiin kooxda ayaan tabin maqnaashiyaha laacibkan,guud ahaan 90 daqiiqo oo lagu daray afar daqiiqo ayaa kusoo idlaaday goolal la’aan 0-0.
Sida caadiga ah waxaa la isla aaday goolkulaad,dhamaan afartii goolkulaad oo ay laadeen kooxda Horseed waa ay wada dhaliyeen,halka naadiga Midnimo ay laba rigoore ka qasaariyeen,Cabdifitaax Axmed Warsame iyo Cabdulaahi Aadan Maxamed,sidaas waxay guusha ku raacdey naadiga Horseed oo iska xaadirisey wareegga afar dhammaadka tartankaan.
Increase of malate m 3 results in increase of pyruvate m 2 and lactate m 2 cialis online These enrichments suggest that the interactions between excitatory neurons and other cells may be affected