Home / Cayaaro / Muxuu Ole Gunnar Solskjaer u sheegay ciyaartooydiisa?

Muxuu Ole Gunnar Solskjaer u sheegay ciyaartooydiisa?

Himilo – Ole Gunnar Solskjaer ayaa  u sheegay ciyaartoyda Man United inuu waayi doono shaqadiisa hadii kooxda ay guuldarro ka soo gaarto Tottenham Hotspur iyo Manchester City isbuucaan.

Ninka  reer Norwey ayaa ku jira cadaadis aad u sareeya ka dib markii ay barbaro 2-2 ah la galeen Aston Villa Premier League Axadii.

Natiijadan noocan oo kale ah ayaa ka dhigeysa United kaalinta sagaalaad ee kala sarreynta iyadoo rikoor aan laga fileynin ay mareyso kaliya afar guul ayey gaartay 14 kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkaan.

Sida laga soo xigtay Metro ,Solskjaer ayaa ku wargaliyay ciyaartoydiisa in labo guuldarro oo dheeri  oo kasoo gaarto Spurs Arbacada, iyo City Sabtida uu waayi doono shaqadiisa uuna dhamaan doono waqtigiisii Old Trafford.

46-sano jirka  xaaladdiisa ayaa noqotay mid qatar badan kadib markii lagu dhawaaqay Mauricio Pochettino inuu doonayo inuu si dhaqso ah ugu soo laabto maamulka ka dib markii laga ceyriyay bishii hore Spurs.

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan