Muqdisho – Heegan ayaa iska ceyrisay macallinkii kooxda Roberto Mayanja oo sanadkii la soo dhaafay uun laylinayay naadigaasi.
C/raxmaan Mursal oo ah gudoomiyaha kooxda Heegan waxa uu xaqiijiyay warka sheegaya in naadigaas uu macallinkii ceyriyay, isagoo bogaadiyay waqtigii uu kooxda hoggaaminayay qaabkii wanaagsanaa ee laylintiisa.
Mudane C/raxmaan ayaa yiri mar uu hadlayay “Waxaan idiin xaqiijinayaa in kooxda ay fasaxday macalin Mayanja, oo runtii waqti wanaagsan inala qaatay”.
“Waan ugu mahad celineynaa guulihii farxadda lahaa ee aad ku hoggaamisay kooxda, mar walba qalbiyadeena kama baxaysid”. ayuu warkiisa sii raaciyay guddoomiye Mursal.
Naadiga Heegan ayaa hadda hogaanka kooxda ku sii aamintay macallin ku xigeenkii naadiga Mudane Cusmaan.
Roberto Mayanja, waa macallin reer Uganda, waxa uuna horey u soo layliyay kooxda kubadda cagta ee Elaman